Dhageyso:-Ehelada Oday lagu dilay Walaweyn oo eedeyn u jeedayay Dowladda Soomaaliya

Xalay Saqdii dhexe ayaa degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose waxaa lagu dilay Nin Magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi jeelle kaas oo siyaabo kala duwan ay uga hadleen Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Ehelada Ninkas Odayga ah.

Eng, Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow ayaa War uu ku qoray Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Ninkaasi uu ahaa maalgeliye Al-Shabaab isla markaana ay ciidamada dowladda toogteen markii uu iskudayay in uu difaaco.

Dhinaca kale Ehelada Marxuumka ayaa iyana waxa ay dhankooda sheegayaan in uusan aheyn mid sax ah Warka ka soo baxay Wasiirka Isla markaana Ninkaas loo dilay si ku talo gal ah.

Garaad Aadan Garaad Cali oo kaa mid ah Ehelada ayaa Dalsan u sheegay in ninkaas uu ahaa Nabadoon siweyn looga yaqaanay Gobolka Shabeellaha Hoose isla markana uusan ka tirsaneyn Shabaab.

Waxa uu sheegay in uu yahay mid aan waxba ka jirin hadalka Wasiir Yariisow Nabadoonkana uu ahaa mid iska Xoolo Dhaqato ah.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Garaad Aadan Garaad Cali.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media