Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Soomaalida ku dibaateysan Libya

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in carruur aan qaangaarin ay ka mid yihiin dadka tahriibka u taga dalka Liibiya ee ay la-hayste ahaanta ay u qabsadaan Magafayaasha.

Dadka kale ee tacaddiga loo gaysto waxaa ka mid ah dumarka oo qaarkood la garaaco kuwo kalena la kufsado.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga Gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi Soomaali ah oo safar ku tagay dalka Liibya ayaa dhibaatadaan ka hadashay.

Waxa ay sheegtay in Caruurta ay ku arkeen dalka Libya ay yihiin kuwo aan weli qaan gaarin kuwaas oo hatan u baahan in dalka lagu soo celiyo si aysan dhibaato kale ula kulmin.

Waxa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in haatan uu socdo dadaalo dalkooda dib loogu soo celinaayo maadaama qaarkood laba Sano iyo wax ka badan ay joogaan Libya kuna dhibatoonayaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga Gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media