Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baalle ayaa sheegay in markab dhuxul sharci-darro ah kasoo qaaday Soomaaliya uu ka degay deked ku taalla dalka Ciraaq.
Safiirka ayaa sheegay in Markabkaas uu sido in ka badan 200,000 oo loor,isla markaana Soomaaliya ay aad uga xuntahay xagudubkaasi, ayna kala hadashay dowladda Ciraaq iyo hay’adaha qaabilsan arrimahan
Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in dowladaha Ciraaq iyo Soomaaliya ay baaritaan ku hayaan Markabkaas dhuxusha ka qaaday Kismaayo,isla markaana uu saameyn wyn ku leeyahay xaalufinta Dhirta dalka.
Waxa uu sheegay isaga oo sii hadlayay in tan ay tahay arrin ay sahlaneyn,haddana ay tahay mid weli sii socota oo dhirta deegaano badan oo gobolka Jubbada Hoose ah laga xalufinayo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.