Dhageyso:- Dowladda Jabuuti oo si kulul uga hadashay go’aan kasoo baxay maxkamad ku taalla London

Dawladda Djibouti ayaa si rasmi ah uga hadashay bayaankii dhawaan ka soo baxay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP-World oo sheegtay in ay mar kale ku guulaysteen dacwad kala dhexaysay dawladda Djibouti, oo ay qaadaysay maxkamad ku taala magaalada London.

Dacwaddan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda dalka Britain kadib markii ay dowladda Djibouti waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 2006.

Haddaba maamulaha guud ee dekedaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti ayaa sheegay in aanu jirin haba yaraatee heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, balse shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djibouti.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media