[Dhageyso]:- Diyarado dagaal oo jawi hoose ku duulayo oo lagu arkay gobalka Jubada Hoose.

Deegaano hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa lagu arkay maanta diyarado m ilatari oo dul heehaabayo degaano ay gobalkaas ka maamulaan dagaalamayaasha Alshabab.

Degaanka Hoosingoo ayaa ka mida meelaha lagu arkay sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanku waxaana ay sheegeen in ay dareemeen baqdin xoogan oo ka dhalatay diyaaradahaan.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubaland oo la hadlay radio Dalsan ayaa sheegay in diyaaradaahaan maalhihii ugu dambeyay ay ku jireen hawada gobalka hase ahatee aysan sameym wax duqeyna mid ka mida saraashiisa maamulka Jubaland oo diiday magaciisa in loo adegsado warbaahinta ayaan la hadalnay.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media