[Dhageysi]:- Xildhibaano ka soo horjeestay ansixinta golaha wasiirada Hirshabeelle.

Xildhibaan C/raxmaan Iidoow oo wareysi siiyay Idaacada dalsan kedib ansixintii golaha wasiirada maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in aysan sharci aheyn habka ay u dhacday codka la siiyay wasiirada.

C/raxmaan Iidoow ayaa cadeyay in Ajandaaha laga doodi lahaanta uusan aheyn meel marinta golaha wasiirada lkn ay aheyd ka doodista Xeer hoosaadka baarlamaanka waxaana uu eedeyay gudoomiyaha baarlamaanka.

Waxa la wediiyay sababta uu ku diidanyahay codka la siiyay wasiirada waxaana uu sheegay in aysan soo marin sharci tiradooduna ay aad u badantahay oo uu san maamulkoodu qaadin karin tirada wasiirada intaa la’eg.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga xildhibaan Cabdi Raxmaan Iidoow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media