Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa bilaabay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo laga fulinayo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa intiisa badan waxa ay saraakiishu sheegeen in uu ka bilaabanayo deegaano hoostaga degmada Jamaame oo ay maamulaan Al-Shabaab.
Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala Jubbaland Korneel Cabdiqaadir Ibraahim Ixsaaq ayaa sheegay in xilligaan ay waajib tahay in Ciidamada ay fuliyaan howlgalka lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro degmada Jamaame iyo deegaanada hoostaga.
Taliyaha ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ciidamadu ay u diyaarsan yihiin hwolgalkaas ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.