Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhawaan la wareegtay 24 Iskuul oo ku yalla Magalada Muqdisho oo ay horay u laheyd dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale uu jiro qorsho Dowladda kula wareegeyso Iskuulada dowladda ee ku yaalla deegaanada Dowlad Goboleedyada.
Hayeeshee uu sheegay inay jiraan wadahadallo u socda Dowlad Goboleedyada oo ku aadan sidii ay uga caawin lahaayeen inay la wareegaan Iskuuladaas.
Wasiir Goodax ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu sheegayay in Xukuumadda Soomalaiya ay qorsheyneyso tayeynta Waxbarashada dalka iyo inay la wareegaan Iskuuladii ay laheyd dowladda oo Magacyadoodii hore loo soo celiyay.
Hoos Ka Dhagyso Codka wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.