Dhageyso:-Dawooyinka loogu deeqay Soomaaliya oo ku xayiran Dekada iyo Garoonka Muqdisho

Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Gaadiidka iyo Dekadaha Baarlamaanka ayaa hadalkaan sheegay xili uu Wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan gaar ahaan Barnaamijka Wareega Wararka ee ka baxa 9:30 Habeenimo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah Hay’addaha Caawiya dadka Soomaaliyeed Dawooyin ay ugu talo gashay Shacabka Soomaaliyeed ay ku xaniban tahay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

Waxa uu sheegay in Hay’addaha Caawiya Soomaaliya ee ku sugnaan jiray dka ku cawiso laakinse xayiraad lagu sameyay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu arrintaan u sababeeyay in ay jirto in lagu xujeeyay in ay bixiyaan lacago farabadan oo Canshuur ah taas oo keentay in Garoonka iyo Dekadda ay Dawadaasi soo dhaafi weyso.

Ugu dambeyn waxa uu baaq u diray Xukuumadda Xasan Cali kheyre oo uu sheegay in loo baahan yahay in ay wax ka qabato.

 Hoos Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Dalxa 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media