Dhageyso:-Darawalkii waday Gaari ku qarxay degmada Wadajir oo Gacanta lagu dhigay

Maamulka degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay qarax khasaaro geestay kaas oo ka dhacay barqanimadii Maanta qeybo kamid ah degmada Wadajir gaar ahaan meel aan ka fogeen halka loo yaqaano Xaawa-Taako.

Qaraxa ayaa ahaa gaari,waxaana la sheegay in ay wateen rag saakay qof Shacab ahaa ku dilay Xaafada Xaawa-Taako islamarkaana ugu dambeen Gaarigii uu ku qarxay xili ay ku howlanaayen Ciidamada Miino-baarka Somaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal Askari oo ahaa kuwa Miino-baarka halka uu jiro dhaawac kale.

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo aan la xiriirnay ayaa shegay in qaraxaasi ay Ciidamadu ka hor tagen islamarkaan ay iminka Gacanta ku hayaan Darawalkii waday Gaarigaas.

Hoos Ka Dhageyso Warteysiga Gudoomiyaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media