Dagaalo u dhaxeeyo Ciidanka dowladda Somaaliya iyo kuwa Al-Shabaab ayaa markale Maanta ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose dagaalkaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa tuulooyinka Baladul-Amiin iyo Muuri halka mid kaas ka duwana uu ka dhacay tuulooyin u dhow degmada Oowdheegle ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose
Kabtan Nuur Cumar Nuur oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Somaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Daslan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku hayaan Shacabka ku nool Gobolka Shabeellaha Hoose islamarkaana saacadihii u dambeeyay ay gubeen Guryo ay degan yihiin Dad Shacab ah sida uu ahdalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Kabtanka