Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan inta u dhaxeyso Deegaanada Mareerey iyo Bariire ee gobolkaas ayaa ku waramaya inuu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Alshabaab.
Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay  weerar ku qaadeen deegaanada Mareerey iyo Bariiri oo ay gacanta ku hayaan Ashabaab, waxaana halkaasi ka socda dagaal u dhaxeeya labada dhinac.
Wariyaha Radio ee gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Xuseen Cismaan (Ma’daa) ayaa soo sheegayo in dagaalku wali uu ka socdo gobolka, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Wararka qaar ayaa sheegaya  in Alshabaab ay isaga bexeen deegaanka Mareerey, oo in muda ah gacanta ay ku hayeen, kadib dagaal ay ku qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.
Halkaan hoose ka dhegeyso Codka
mareery
bariiri
wetar amiom