Dhageyso:-Ciidamada Xoogga dalka oo la sheegay in xaquuqdooda ay heli doonaan

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen,Maxamed Adan (Cirfiid) oo Maalmahaan ku sugan deegano ka tirsan Gobolk Galgaduud ayaa waxa uu kulamo la qaatay qaar kamid ah Saraakiisha ciidamda Xoogga dalka Somaaliya gar ahaan qeybt 21,aad.

Taliyaha ayaa sheegay in dowladda Somaaliya ay haatan diyaar u tahy tayenta Ciidamada Xoogga dalka Somaaliya islamarkaana ay ka Go’an tahay in ay bixiso Mushaaraadka ciidamada si ay ugu guuleestaan Guud aahn amniga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa Ciidamada ku sugan Gobolka Galgaduud ku dhiira geliyay in ay heli doonan xiligaan wixii ka dambeeyay xuquuqdooda islamarkaana Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) uu wado qorsho ku aadan sidii Ciidamada Xoogga dalka u heli lahaayeen mushaaraadkooda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media