Dhageyso:- Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho oo qabtay Madaxii Wacyagelinta Al-Shabaab ee M/Kismaayo

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa markale saakay howlgal waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada deyniile ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan Xaafada lagu magacaabo Ciise Cabdi oo kamid ah Xaafadaha degmadaas.

Ciidamadaan oo loogu magacdaray kuwa xasilinta amniga Muqdisho ayaa howlgalka inta uu socday waxa ay ku soo qabteen boqolaal dhalinyaro ah kuwaas oo Ciidamadu ay baaritaano ku sameeyeen kadibna ay badankood siidaayeen.

Gudoomiyaha Degmada Diiyniile ee Gobolkaan Banaadir Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku qabteen Ciidamadu Madaxii Wacyagelinta Al-Shabaab u qabilsanaa Magaalada Kismaayo kaas oo magaciisa uu ku sheegay Zakariya Ibraahim Cali.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Sarkaalkaas ay Hay’adaha amniga iminka baaritaano dheeraad ah ku hayaan islamarkaana inta badan uu qirtay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media