Dhageyso:-Ciidamada liyuu Booliis oo dhibaato ku haya Shacabka deegaanka Kaxandhaale

Shacabka ku nool deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ka cabanayaan ciiamada dowlad deeagaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaano Liyu Booliis oo mararka qaar soo gala deegaanka Kaxandhaale.

Mid ka mid ah Haweenka ku nool halkaas oo Wareysi siiyay Radio Dalsan muqdisho ayaa sheegtay in Shacabka Kaxandhaale ay ciidamada Liyuu Booliis dhibaata ku hayaan islamarkaana u diiday in ay xuriyad ku noolaadaan.

Waxa ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug in ay soo farageliyaan dhibaatada ay ka tirsanayaan ciidanka Liyuu Booliis si ay wax uga qabtaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media