Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey oo shir jaraa’id ku qabtay M/Muqdisho ayaa ka hadlay Shaqaaqadii Maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee sababtay in uu kulanka baaqdo.
Shirka Jaraa’id ayaa waxa uu ku sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo kuxigeenkiisa 2aad in ay ku xadgudbeen Xeer hoosaadka Barlamaanka iyo Dastuurka dalka u degsan.
Waxa uu sheegay labadaasi masuul ay ciidamo xoog leh geeyeen Xarunta Golaha Shacabka,isla markaana ay xoog kula wareegeen,iyaga oo qalqal geliyay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in gudoomiye Jawaari oo uu mooshinka ka yaallo iyo kuxigeenkiisa 2aad Mahad Cabadala Cawada in ay sharcigii hareer mareen loona baahan yahay in tallaabo Sharci ah laga qaado.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey.