Maamulka Hir-Shabeelle ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay in uu xareeyo,isla markaana tababar loo bilaabay 100 ka mid noqon doona Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Ciidamadaas oo loogu talo galay xaqiijinta Amniga ayaa waxaa jiri doono Ciidamo kale oo iyana ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle,kuwaas oo tababar u bilaaban doono.
Afhayeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji ciiro ayaa sheegay in bqolkaas askari la siiyay dharkii ay xiran lahaayeen,isla markaana uu dhawaan tababar u bilaaban doono.
Waxa uu sheegay in tababarkaas loogu talo galay ama loo qosrheeyay ilaa 800 oo Askari oo Hir-Shabeelle ay yeelaneyso.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle.