Wasiirka Maaliyada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in Wasarada Maaliyada ay doorka saari doonto dhaqaalaha dowladda Federaalka gaar ahaan wasaarada Maaliyada ka soo gala dalka.
Waxa uu sheegay in Wasaaradu ay muhiimada siin doonto sidii dhaqaalaha ugu badan uu dalka ka soo xaroon lahaa si dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhaqaalahaas dib ugu laabtaan waxna loogu taro.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Wasaaradau ay sidoo kale ku dadaali doonto in ay bixiso Mushaaraadka Shaqaalaha dowladda,iyadoona xooga saari doonto bixinta Mushaaraadka ciidanka xoogga dalka Somaaliya oo ah halbowlaha Dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir beyle,ayaa Maalmo ka hor soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay mudo 60 Cisho ah gudahood islamarkaana shaaciayay in uu kordhay dhaqaalihii  soo xaroon jiray marka loo fiiriyo dowladdihii dalka soo maray.
Hoos Ka Dhageyso Codka