DHAGEYSO: Banaanbax Cabasho ah oo Maanta Ka Dhacay Degmada Warshiiq

Wararka naga soo gaarayo degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellah Dhexe  ayaa ku waramaya in maanta uu ka dhacay dibadbax ay dadku uga soo horjeedeen go,aankii dhawaan ka soo baxay dowladda federaaka, gaar ahaan wasaarada duulista  ee ku aadaana garoomada Hirshabeelle inaysan ka dagi karin diyaaradaha qaadka oo dhowr maalin ka dagay magaalda Jowhar, hayeeshee ay dowladdu maamlmo kadib joojisay diyaaradahaasi.

Boqolaad dadweyne ayaa ka qeybgalay banaanbax, waxaana ay isugu soo baxeen maanta xaafadaha degmada Warshiiq, iyagoo  dowladda ka codsaday inay u madaxbaneyso Hirshabeelle waxa quseeya maamulka, sida maamulada kale.

Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Warshiiq Maxamed Cali Yuusuf ayaa Radio Dalsan uga waramay dibadbaxa oo uu tilmaamay ina soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada, isalamarkaana Xusay inay uga soo horjeeday wax uu ku sheegay cuna-qabteen la saaray Hirshabeele.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media