Banaabaxaan oo ay dhigayeen Shacabka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay uga cabanayeen hay’adaha samafalka oo ay sheegeen in ay dad gooni ah u sameeyaan gurmadka.
Boqolaal ka mid ah Shacabka jalalaqsi oo ka hadlay banaanbaxa ayaa waxa ay sheegeen in Hay’adaha gargaarka ee Gobolka Hiiraan ka howlgalla bilihii u dambeysay ay wadeen in dad gooni ah ay garsiiyaan gargaarka,isla markaana qaar ka mid ah Shacabka degmada Jalalaqsi aan laga warqabin.
Waxa ay ka dalbadeen Madaxda Hir-Shabeelle iyo madaxda dowladda Soomaaliya in hay’adaha samafalka lagula xisaabtamo Shaqooyinka ay bulshada u qabanayaan.
Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka gobolka Hiiraan uu ka saameeyey fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle,isla markaana dad badan ay ka barakaceyn.