Dhageyso:-Axmed Madoobe”Waa in la dedejiyaa dhismaha Maqaamka Caasimadda”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed ( Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo dhismaheeda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay tahay in la ogaado cida heysata in ay Muqdisho hesho maqaam gaar ah taas oo dani ay ugu jirto cidwalba oo Soomaaliyeed.

Waxa uuna Axmed Madoobe ku baaqay in la dedejiyo dhismaha Maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho taas oo uu sheegay in ay tahay mid Dastuuri ah.

Maamul Gooni ah oo uu yeesho Gobolka Banaadir ayaanan weli lagu guuleysan,waxana dowladdi tan ka horeysay ee Xasan Sheekh Maxamuud ay sameysay iskuday balse aysan suurtaglin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media