Kadib kulan looga hadlayay Dhibaatooyinka Maandooriyaha Taabuuga oo Maanta lagu qabtay Muqdisho ayuu ka sheegay ambassador Diinaari dhibaatooyinka uu keeno Maandooriyaha Taabuuga.
Waxa uu sheegay in badi Ardayda Soomaaliyeed rag iyo Dumar Intaba ay wada isticmaalaan Taabuuga,sigaar ah ayuu u sheegay ardayda dhigata Jaamacadaha Magalada Muqdisho.
“Runtii waxa ugu nasiibdaran oo macalimiinta qaarkood inoo sheegeen in Gabadhaha Jaamacadaha dhigta ay si caadi ah u isticmaalaan Taabuuka,hadda Dekadda Muqdisho waxa yaalla Kunteenar ay dowladdu dooneyso inay Canshuurto waaan uga digeynaa ayuu yiri Ambasadoir Diinaari ahna Xoghayaha Xarunta tala soo jeedinta Somaaliyeed.
Maalin ka hor Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabadi Xayir Maareeye ayaa sheegay in la mamnuucayo soo dejinta maandooriyaha uu ka mid yahay Taabuuga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ambasadir Diinaari