Dhageyso:-Agaasime Koofi oo xaqiijiyay dhibaato ay la kulmaan Madaxda Dowladda ee isticmaala Baasaboorka Ajnabiga

Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa ka hadlay caqabadaha madaxda dowladda la kulmaan xiliyada ay isticmaalayaan Baasaboorada Ajnabiga ah.

Agaasime koofi ayaa sheegay in ay jiraan madaxda qaarkood oo iyaga oo wata Baasaboor Ajnabi ah dalalka kala duwan ee Caalamka u aada howlo Shaqo haddana ay caqabado farabadan la kulmaan.

Waxaa la weeydiiyay Su’aal aheyd dhibaatada uu u keeni karo horumarinta Baasaboorka Soomaaliya Madaxda isticmaaleysa Baasaboorka Ajnabiga ayaa waxa uu ku jawaabay

“ runtii waa sax saameynteeda ayay leedahay oo wax aad u fiican maahan wayo madhiiragelineyso arrinta aan wadno ee ah horumarinta Baasaboorka dadka aan la kulano waxay na leeyihiin wasiiradiina maxay u wataan baasaboorada ajnabiga ah kiina mashaqeeyo miyaa, sidaasi ay tahay hadana Masuuliyiinta baasaborka Ajnabiga ah wata ay ku leeyihiin maxaa kaligaa ka qeylo siinaya ayuu yiri Agaasime Koofi”

Agaasime Koofi ayaa sidaan oo kale tiro dhowr jee ku celceliyay in caqabado ay madax ka tirsan dowladda kala kulmaan baasaboorka Ajnabiga ah ay isticmaalayaan,iyada oo Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ay wado qorsho lagu hormarinayo Baasaboorka Soomaaliga.

Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasime Koofi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media