Xildhibaanada aqalka sare ee dalka ayaa bilaabay dhageysiga khudbadaha musharaxiinta u taagan qabashada xilka gudoonka Aqalka sare ee Soomaaliya.
Kulankaan oo ah Kalfadhiga koowaad kulankiisa afaraad ayaa waxaa kooramkiisu uu ku furmay 33-dex mudane oo aqalka sare ah waxaana si toosa loo dhageysana khudbadaha musharaxiinta.
Musharax kasta waxa la siiyay 15-daqiiqo oo uu ku soo gudbinayo waxa uu qaban karo hadii loo doorto gudonka.
Khudbadii ugu horeysay waxaa jediyay C/xaashi C/laahi o isagu u taagan xilka gudoonka kowaad ee aqalka sare waxana uu soo nabdhigay wax qabadka ku aadn hadii loo idmado xilkaas.
Siddoo kalana waxa isaguna khudbadiisa u tagan Mustaf Maxamed Qodax oo ay wada loo lamayaan C/xaashi C/laahi waxaana ay u wada tartamayaan xilka gudoomiyaha kowaad ee aqalka sare.