Madaxweynaha maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljaamaaca Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in ciidamada maamulka gobolada dhexe ay diyaar u yihiin inay buuxiyaan goobaha ay soo baneeyeen ciidamada Ethopia ee ku sugnaa degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud, dhawaana isga soo baxay.
Shikh Shaakir, waxaa uu sheegay inay buuxin doonaan ciidamada Ahlu sunna baahyaha ka jira deegaanadaas, iyagoo kaashanayaa Shacabka ku dhaqan Ceel Buur iyo Degaanada ku dhow, oo uu ugu baaaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Ahlu sunna.
Dhinacakale Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe waxaa uu ka hadlay Abaaraha daran eek a jira gobolka,oo uu sheegay in dhibaatooyin dhinaca nolosha ay ka taaganyihiin gobolada dhexe, waxaana uu tilmaamay in dowladii hore ee Xassan Sheikh ay ka gaabisay wax u qabashada dadkaasi, oo uu hada ugu baaqay madaxda cusub ee federaalka inay usoo u gurmadaan dadkaasi.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.