Jowhar (Radio Dalsan):- Gudoomiyaha dhanka maaliya ee maamulka gobolka Shabeelada Dhaxe Cabdullahi Yusuf Caloof oo la soo xariiray idaacada Dalsan ayaa waxa uu beeniyay wararka ku aadan in ciidamo u’abaabulan qaab beeleed ay xanibeen wadooyinka soogala iyo kuwa kabaxa maglada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhaxe
gudoomiyaha ayaa shegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah amniga guud ahaan Jowhar ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom
Hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya xili ay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamo ay xirteen wadooyinka gala iyo kuwa looga baxo magalada Jowhar kuwaas oo ka careesan in kursiga jufadooda hoose u’tartanto Haweeney.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Waresiga Cabdullahi Yusuf Caloof.
©Radio Dalsan