Prof Cabdi Ismaaciil Samatar Gudoomiyaha Guddiga Anshaxa Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa u jeediyey murashaxiinta 23 ka ah ee u tartamaya xilka Madaxweynaha inay si hufnaan ah ku dhacdo doorashada Musuq Maasuqna ay ka fogaadaan.
Waxaa uu sheegay si loo helo Doorasho Xalaal ah in lamaro wado xalaal ah ayuu yiri gudoomiyaha Guddiga Anshaxa ee doorashada waxaana uu tilmaamayy in ay gudan doonaan waajibaadka shaqo ee loo ikmaday ayna la socon doonaan sida ay udhaceyso Doorashada madaxweynaha Waxaa uu intaasi raaciyey inay soo gudbin doonaan cidwalba oo lacag qaadata iyo cidii bixisa si ay ugu guuleysato doorashada go,aankaasina ay leeyihiin Guddiga baarlamaanka iyo maxkamada.
Maalinta biri oo Arbaca ah ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha waxaana Dadku ay yihiin kuwa sugaya qabsoomida doorashadaasi oo ah tii Labaad oo lagu qabto dalka Gudihiisa.
Halkaan Hoose Ka Dhageeeyso Cod-ka Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.