Maxamed Cabdi Ware Madaxweynaha Mamulka Hirshabelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in deeganada ay maamulaan ay ka jirto dhibaato ka dhalatay Wadooyinka xiran iyo weerarada Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in culaysyada jiraa aanay ku koobnayn Hirshabeelle laakin ay ka wada jiraan Wadanka,Si gaar ah ka maamul ahaan waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin jidadka mudada dheer u go,doonsan Al-shabaab iyo weerada dhaba galka ah ee lagu dilo Masuuliyiinta maamulkaas Sarakiisha iyo Askarta.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeellle ayaa cadeeyay in siada ugu dhaqsaha badan ay uga howl geli doonaan si wax looga bedelo Amanka deeganada maamulka Hirshabelle laakiin aanu kasii hor dhacayn qorshaha howl galkaas iyo sida uu ku bilaabanayo.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare