DFS oo u yeertay Safiirkeeda dalka Qatar & MW Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda Dooxa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka dowladda Soomaaliya ee Qatar u jooga Amb. C/risaaq Faarax Cali Taano.

Warqad Wasaaradda Arrimaha Dibadda u dirtay dowladda Qatar ayaa waxaa dowladdaas lagu wargeliyay in Safiirka Soomaaliya ee Dooxa wadatashi loogu yeeray inuu u yimaado magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa si KMG ah Sii-hayaya Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ugu magacawday Ruun Saciid Qoorsheel, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Isbedelkaan cusub ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Maanta Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagayo magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, sida laga soo xigtay Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Amb. C/risaaq Taano ayaa ka mid ahaa Safiirada ugu awoodda badnaa ee dowladii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana isku xire u ahaa xiriirka dowladdii hore iyo dowladda Qatar.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda oo ku qornaa Luuqada Ingiriiska

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor