DFS oo sheegtay in howlgal ka dhacay Sh/Dhexe ku dishay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga iyo kuwa NISA ay ka fuliyeen deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday sida la sheegay xubno ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Howlgalka inta uu socday ayaa waxaa laga soo celiyay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal asakari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa ku dhintay inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray  saddex kale oo ka tirsan ciidamada Qaranka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaaac oo badan.

Saraakiisha ku dhimatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe waxaa kamid ahaa Taliyihii guutada 3-aad ee qeybta 27-aad, iyo Askar kale oo ka tirsan ciidanka xoogga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor