Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowlad Goboleedka Puntland ka celisay diyaarad qaad farabadan siday oo kasoo duushay Magaalada Nairobi, sida ay ku warramayso warbaahinta Kenya.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Diyaaraddaas siday qaadka ay dooneysay inay ka degto Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland, hayeeshee lagu amray inay dib ugu laabato halkii ay kasoo duushay.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan diyaaradii dib looga celiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, taasi oo siday qaadka ama Jaadka loo yaqaano Miirooga.
Maamulka Miirooga ee Kenya ayaa sheegey in celinta diyaaraddan ay u geysatay dhaawac weyn oo dhaqaale, iyadoona ay xusid mudan tahay in bishii hore sidan oo kale ay Dowladda Soomaalya dalka uga celisay diyaarad qaad siday oo laga leeyahay Kenya.