DF oo Golaha Ammaanka uga digtay inay farageliyaan Doorashada Somalia

Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u dirtay Qoraal ay ku caddeynayaan mowqifka dowladda Federaalka ee doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda oo sigaar ah loogu diray Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Golaha Amaanka Marwa Linda Thomas ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya wajahayso xaalado adag iyo caqabado la xiriira doorashooyinka ka dhacaya, hayeeshee la muujin doono isku tanaasul, isla markaana xal laga gaari doono.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay u arkeyso faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay Arrimaha gudaha dalka iyo in la Jebiyay shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe iyo qaanuunka Caalamiga ah.

Sidoo kale Dowladda ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay in Guddi Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ay ku wareejinayaan ammaanka doorashooyinka dhacaya.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Dowladda Federaalka u dirtay Golaha Ammaanka.

Annaga oo tixraacayna warsaxafadeedkii soo baxay 31 March 2021 ee ka soo baxay Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Golaha Amaanka Marwa Linda Thomas, dowladda Soomaaliya waxay tixgalin iyo qadarin u haysa kaalinta Golaha Amaanka iyo taageerada waqtiga dheer ee xubnaha golaha la garab taagnaayeen Horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xushmadda gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimadeeda iyo madax banaanideeda siyaasadeed.

Taariikhda dhowaanahan Soomaaliya waxay wajahaysay xaalado adag iyo caqabada siwalba ha ahaata waxaan awoodnay in aan annaga oo wadajirna qaran ahaan uga wada hadalno waxa na dhexyaala, isku tanaasulno lana imaano  hal abuur aan ku xalino.

Deganaanshaha siyaasadeed wuxuu sal u yahay dhammaan dadaalada horumarineed ee aan qorsheyneyno inaan ku hirgalino Soomaaliya, sidaas darteed, waxaan ka simanahay golaha amaanka, heshiisna ku nahay danta dadka Soomaaliyeed ee ah qabashada doorasho loo dhan yahay  sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Sidaa darteed. waxaan jeclaan lahayn inaan hoosta ka xariiqno mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waxyaabaha soo socda:

A: Doorashooyinka qaran ee Soomaaliya, sida ummadaha kale ee madaxbanaan u leeyihiin aaya ka talinta Qarankooda ayay  hay’adaha dalkeeni go’aan uga  gaarayaan arrimaha horyaala,  sida ku cad sharciga Lr. 30 ee ay meel mariyeen Baarlamanka. Sidaa darteed, waxaan ka mahadcelineynaa taageerada hagar la’aanta ah ee UNSC ee gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimada iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

B: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u arkaysaa faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaheena gudaha iyo jabin  la jabiyay shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada midoobe iyo qaanuunka Caalamiga ah.

C: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskii 17-kii Sebtember inuu saldhig u yahay Geedi socodka doorashada iyo talooyinka ay soo jeediyeen guddigii Farsamada Baydhabo ee 16ka Febraayo  iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.

D: Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa  in Guddi amaan  oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsaama ahaan  wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo ka faa’iidaysanaysa fursadaan waxa qiraysa doorka iyo qiimaha golaha Amaanka ee Qaramada midoobe waxayna siinaysa tixgalin midda ugu saraysa.

Qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaana ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor