Wargeyska Arab News ee ka soo baxa dalka Sacuudiga waxa uu maanta qoray inay Boliska Sacuudiga gacanta ku dhigeen 5 nin oo ku eedeysan inay afduub iyo kufs u geysteen labo Haween Soomaali ah oo ku nool magaalladda Jeddah.
Mid ka mid ah Haweenkaasi ayaa u dacwootay Boliska, una sheegtay inay iyada iyo haweeney kale ay qabteen 5 nin oo ku labisnaa Labiska Ciiddanka Boliska Sacuudiga, kadibna ay kala kulmeen Tacadiyo isugu jiray Afduub iyo Fara-xumayn.
Haweeneydaasi waxay kaloo Boliska u sheegtay inay Afduubayaasha ku kaxaysteen gaari, kadibna ay geeyeen  Guri ku yaalla Xaafadda Al-harasaat ee Bariga magaalladda Jeddah, halkaasi oo loogu geystay Tacadi.
Waxay kaloo sheegtay in loo sii kaxeeyey guri kale oo ku yaalla Xaafadda Qaweesa, oo  haddana mar kale loogu geystay xadgudub.
Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in shanta Dembiile ee haweenka Soomaalida ku tacadiyey kala yihiin 2 Sacuudiyaan Walaalo ah, 2 Afrikaan iyo mid ka soo jeeda dal Carbeed.
Boliska weli ma soo bandhigin magacyadda Dembiilayaasha, mana kala cadda xilliga Dembiilayaashaasi la soo maxkamadeynayo iyo xukunnadda ay muteysan doonaan.
Links:-http://www.arabnews.com/saudi-arabia/news/855026
Xigasho: Arab News
©Radio Dalsan  Â