Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa Dekedda Berbera ayaa ku dhawaaqday Qorshe ay Mashruuca Deegaanka Xorta ah (Free Zone) la hirgelin doono. kadib marka ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Somaliland bishan November 13-da.
Shirkadda Dubai Ports World (DP World) oo bishii Marso ee sannadkan lagu wareejiyey Dekedda Berbera ayaa soo bandhigtay Qorshahaasi, xilli ay weli cabasho ka jirto Nidaamka Maamul ee Dekedda Berbera.
Wargeyska Al-bayaan ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray in Guddoomiyaha, ahna Sarkaalka Guud ee Hawl-fulinta ee Shirkadda DP World, Sultaan Axmed Bin Sulaymaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire  shalay kulan ku yeesheen magaalladda Dubai.
Labada mas’uul ayaa la sheegay inay qalinka ku duugeen Heshiiskii Koowaad ee Qorshaha Mashruuca Free Zone-ka looga hirgelin doono Dekedda Berbera.
Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan DP Wotld iyo Maamulka Somaliland, kuwaasi oo aan la shaacinin magacyadooda.
Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda DP World, Sultaan Axmed Bin Sulaymaan waxa uu sheegay inayMashruucaasi la  dhamaystiri doonaan Dowladda soo socota ee Somaliland, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay danaynayaan inuu sii socdo Iskaashiga labada dhinac.
Mashruuca cusub ee la sheegay in laga hirgelin doono Dekedda Berbera ayaa la sheegay inuu u dhigmi doono Nidaamka ay ku shaqeyso Dekedda Jebel Cali ee magaalladda Dubai.
Shirkadda DP World waxay sheegtay in hadafka laga leeyahay Qorshaha Free Zone tahay sidii loo dhiiri-gelin lahaa Ganacsi, Abuurista Shaqooyin Cusub iyo Maalgashiga.
Heshiiska Hordhaca ee ay DP World iyo Maamulka Somaliland kala saxiixdeen ayaa dhigaya inay DP World codsan doonto Heerarka Mashruuca Deegaanka Xorta (Free Zone)-ka ee Dekedda Berbera, iyadoo Wejiga Koowaad ee Mashruucaasi dabooli doonto 4 KM oo isku wareeg ah oo ka mid ah 12.2 KM ee Isku Wareegga ah ee uu lahaan doono Mashruucaasi.
Hadafka Mashruucaasi ayaa ah qorshaha ballaaran ee Shirkadaha dhinacyadda Kaydadka,. Loojistikada, Ganacsatada, Wershadleyda  iyo qeybaha kale ee Ganacsiga.