Degmada Dharkenlay oo Guddoomiye Cusub loo magacaabay

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Dharkeenlay ee Gobolkani Banaaadir.

Yuusuf Xundubeey ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Dharkinleey, waxaana Masuulka la magacaabay uu horay ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Gaashaanle Dhexe, Yuusuf Xundubey ayaa xilal kala geddisan kasoo qabtay qeybaha Ciidanka, waxaana haatan loo magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee degmada Dharkeenlay.

Shalay ayay ahayd markii Guddoomiye Cusub loo magacaabay Degmada kaxda ee isla Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor