Wararka naga soo gaarayo Degmadda Wadajir ayaa waxay sheegayaan inuu Qarax Gaari ka dhacay meel ku dhow Dugsiga Tababarka Ciiddamnadda ee Jeneral Dhega-badan (Ex-Wershaddii Nacnaca).
Wararka horddhaca ah ee aynu helayno ayaa sheegayo in ay 2 qof oo rayid ah ku dhaawacmeen Qaraxaasi, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalk Madiina.
Abshir C/llaahi Cali “Caruus” รย oo ka tirsan Ciiddanka ku sugan Dugsiga Tababarka Jeneral Dhega-badan ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Ciiddanka ka hor tageen, isla markaana ay fashiliyeen รย qaraxa Gaariga ee lala maaganaa Dusgigaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay iska caabiyeen Kooxo hubeysan oo qaraxa kadib soo weeraray Dugsiga Jeneral Dhega Badan, kuna raad-joogaan 2 qof oo la socdy gaariga qarxay oo noociisa ahaa Baska Homey-ga.
Dhinaca kale, xaalladda ayaa haatan deggan, inkastoo la maqlayo rasaas teelteel ah, waxaana halkaasi gaaray Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka.
Faahfaahinta Warkaasi la soco goor dhow Insha Allaahu.