Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda Dadban uga wakiilka ahaa Doorashadda Galmudug lagu amray inay sida ugu dhaqsaha badan isaga baxaan Caasimadda KMG ee Maamulkaasi ee Cadaado.
Madaxweynaha Galmuddug, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu bixiyey Amarkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo ku dhowdhow Maamulka Galmudug.
Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga Doorashadda Dadban ee u joogay Cadaado ayaa la sheegay inay dalbadeen Diyaarad Khaas oo ay dib ugu soo laabtaan magaalladda Muqdisho.
Ma kala cadda sababaha rasmiga ee uu Madaxweyne Guuleed qoonsaday, kuna soo cayriyey xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadan.
Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadaasi ayaa ku soo beegantay Toddobaad kadib, markii ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia soo saartay Qoraal lagu muujiyey inay Doorashadda ka dhacday Galmudug tahay tan ugu musuqa badan Doorashooyinka ka dhacay Maamul-gobaleedyadda kale.
©Radio Dalsan