Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavrov ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay garwaaqsadaan Codsi ka soo gaaray Dowladda Federalka Somalia, si loo hubeeyo Ciiddanka Ammaanka ee dagaalka kula jira waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda.
Wasiirka ayaa hadalkaasi jeediyey, kadib, markii uu maanta la kulmay Raรขโฌโขisul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaรขโฌโขarke oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Raashiya ee Mosko.
Sergei Lavrov รย waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Federalka iska kaashan doonaan Iskaashiga dhinaca Milliteriga.
รขโฌลWaxaan ogahay inta aad ku guda-jirtay booqashadda aad ku joogtid Raashiya รย inaad doonayso in laga wada hadlo sidii loo qalabayn lahaa Ciiddanka Ammaanka Somalia, taasi oo lama huraan u ah La-dagaalanka Argagixisaddaรขโฌย ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya.
Wasiir Sergei Lavrov waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Raashiya diyaar u tahay inay ka baaraan degaaan codsiga Dowladda Federalka, oo uu xusay inuu waafaqsan yahay Danaha Beesha Caalamka iyo Goรขโฌโขaanadda Golaha Ammaanka ee QM.
รยฉRadio Dalsan