Muwaadin Soomaali oo laga soo masaafurin lahaa Kanada oo laga laabtay.

Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka Kanada ayaa soo dhawweeyey go’aan ay Hay’adda Socdaalka ee dalka Kanada ku sheegtay inaan la masaafurin doonin Muwaaadin Soomaali oo la filayey in shalay dib loogu soo celiyo Kenya.

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Yuusuf Maadeey Maxamed ayaa la qorsheynayey in Kenya loo soo masaafuriyo 5-tii Glaabnimo ee shalay ee Xilliga Kanada, balse waxaa la shaaciyey in loo oggolaaday inuu Kanada sii joogi karo muddo hal sanno oo kale.

Yuusuf Maadeey oo 41-jir ah waxa uu aad u soo dhaweeyey Go’aankaasi, isagoo sheegay inuu ka badbaaday Khatar uu kala kulmi lahaa Kenya haddii loo masaafurin lahaa.

Waxa uu u sheegay Wargeyska StarMetro ayaa sheegay inay noloshiisa khatar geli lahayd haddii lagu celin lahaa Kanada.

“Markii aan maqlay in la ii oggolaaday inaan sii joogo Kanada, waxaan daremay Farxad aan la soo koobi karin, waan ilmeeyey oo ilintayda waxay wada qoysay Shaarkayga” ayuu sii raaciyey.

Yuusuf Maadeey waxa  uu Kanada soo galay sannadkii 2013-kii isagoo isticmaalayey Baasaboor Kenyan macmal oo uu ku qornaa magaca  Faarax Maxamed C/llaahi.

Xaaskiisa, Xaliima Cali oo haysata Dhalashadda Kanada ayaa soo dhweysay Go’aankaasi, waxayna u mahad celisay dhamaan intii gacan ka geysatay sidii uu Saygeeda kaga badbaadi lahaa in Kenya loo masaafuriyo.

Mar ay la hadashay Wargeyska StarMetro waxay sheegtay inay dareemaysio Farxad dheeri ah, kadib, markii lagu soo wargeliyey Go’aankaasi 3 saacadod ka hor, xilligii la qorsheynayey in Saygeeda loo tarxiilo Kenya.

Lammaanaha waxay isku dhaleen 4 carruur ah.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media