Warar goor dhow soo gaaray Warqabaadka Radio Dalsan ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubeysan ay qafaasheen Dareewalka Gaariga Khaaska ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federalka.
Rag ku labisnaa Dareeska Ciiddanka Dowladda ayaa la sheegay inay goor dhow Isgoyska Degmadda Boondheere ka qafaasheen gaarigaasi, iyagoo moodayey inuu la socdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.
Ma cadda ujeedada rasmiga ee ay dableydaasi u qafaasheen gaarigiisa iyo waxa ay ku sugan yihiin Dareewalka iyo qof kale ee lagu afduubtay gaarigaasi.
Saakayto ayey ahayd, markii ay kooxo hubeysan toogasho ku dileen Guddoomiyihii Suuqa Khudaarta Siinaay ee Degmadda Warta Nabadda, Cabdi Xalane Baaxuur.
©Radio Dalsan