Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Duqa degmada Garoowe oo ay ku tartameen laba musharax.
Doorashada Duqa degmada ayaa goordhow la soo gaba gabeeyey,waxana 18 Cod ku guuleysatay inuu duqa degmada Garoowe noqdo Axmed Siciid Muuse (Axmed barre)
Sidoo kale Duqa Cusub waxaa doorashada kula tartamay Axmed Abshir Jaamac (Bakuuke) oo helay 9 Cod.
Sidoo kale Goordhow waxaa bilaaban doonta doorashada Guddoomiye ku xigeenka degmada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,iayda oo ay ku tartami doonaan laba Musharax.
Goordhow la socda Sawiarda Doorashada.