Deg Deg;Ugu Yaraan Lix Ruux oo ay Ku Jiraan Laba Danjire oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Soo Dhacday Pakistan

Diyaarad Militiri oo Nooca Helicopterka ah oo siday Diblumaasiyiin Badan ayaa Maanta oo Jimce ah ku soo dhacday Waqooyga Dalka Pakistan.

Lix Ruux oo ay ku jiran Danjireyaasha Dalalka Norway iyo Filibiin u qaabilsan Dalka Pakistan.ayaa ku dhintay Shilkasi waxa sido kale ku dhintay Laba Duuliye iyo Xaasaskii Danjireyaasha Dalalka Malaysia iyo Indonesia u qaabilsan Dalka Pakistan.

Waxa ku dhaawacmay sido kale Danjireyaasha Dalalka Holland iyo Poland u fadhiya Dalka Pakistan waxa sidasi laga soo xigtay Ciidamadda Militariga Pakistan iyo Warbaahinta Dalkasi.

Afhayeenka Militariga Pakistan Asim Bajwa ayaa soo dhigay Bartiisa Twitterka in Dadka dhintay ay ku jireen Laba Duuliye iyo afar qof oo ajaanib ah.

Diyaaradda oo ku dul burburtay Iskuulka Gilgit waxa saarnaa 11 Ajaanib ah iyo Lix qof oo u dhashay Dalka Pakistan sida uu baahiyay Telefishinka Al Carabiya Ee Dalka Sacuudiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor