Deg Deg: 9 qof oo ku Dhimatay Qaraxyo Xoogan oo Goor Dhaw Lagu Weeraray Madaxtooyada Baydhabo

Qaraxyo Xoogan oo Laba ahaa ayaa goor dhaw lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed Ee Magaaladda Baydhabo.

Dagaal toos ah ayaa Bilaawday qaraxyada Kadib waxana weli socda iska hor imaad xoogan.

Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyay iney dhinteen,waxana ku jira 3 askari oo Dowladda ka tirsan,1 Ciidamadda Itoobiya,2 Al Shabab ah iyo dad kale oo goobta ku sugnaa.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr Nick Kay ayaa Cambaareeyay Weerarka waxana uu sheegay Danjire Kay inuu La hadlay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uuna Caafimaad qabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor