War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Xildhibaan Khaliif Muumin oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanaa Cudurka halista ah ee Coronavirus uu ugu geeriyooday Muqdisho.
Geerida Xildhibaan Muumin ayaa waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana Mas’uuliyiinta kamid ah Wasiirka Arrimaha gudaha maamulkaas Maxamed Cali Caadle.
Xildhibaanka ayaa maalmo kahor la keenay Magaalada Muqdisho, waxaana laga baaray Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoo markii dambe laga helay, isagoo Goordhow u geeriyooday Cudurka.
Waxaa uu noqonayaa Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow shaqsigii labaad ee gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho la xaqiijiyay in uu u geeriyooday caabuqa Caronavirus,