Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa goor dhaweyd diyaarad gaar ah ka qaaday garoonka Aadan Cadde isagoo ku sii socda dalka Itoobiya .
Xasan Sheikh ayaan la ogeyn ujeedka safarkiisa ha yeeshee waqtiyadi ugu dambeeyey ayuu gacan saar xoogan la lahaa Itoobiya oo ay kala shaqeyneysay ololihiisa soo laabashada .
Wali ma cadda ujeedada socdaalka waxaase Adisababa ka ka socda shirka madaxda Midawga Afrika.