Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa Goordhow ku dhawaaqay in uu xilkii iska Casilay.
Sababta uu isku Casilay Wasiir Daahir Geelle ayuu ku sheegay inay kala arragti duwanaasho kala dhexeeyay Madaxda sare ee dowladda Soomaliya.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilka Wasiira Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loo magacaabay 24-kii May 2018.
Sidoo kale Daahir Maxamuud Geelle ayaa wareysi gaar ah uu siiyay VOA-da ku sheegay in uu Is Casilay.
Dhinac kale war qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Wariye Haarun Macruuf oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa u qorna sidan:
BREAKING: Somalia Information Minister Dahir Mohamud Gelle has resigned citing “differences of opinions” with federal government leaders – Minister tells @voasomali in an exclusive interview. pic.twitter.com/q6OGeGBmIc
— Harun Maruf (@HarunMaruf) May 1, 2019