Taliska hay’adda nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa sheegtay in Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ay iska soo dhiibeen labadan Nin oo kamid ahaa dagaalamayasha Al-shabaab gaar ahaan qeybtooda Jabhadaha loo yaqaan.
Labada Nin ee iska soo dhiibay Degmada Doolow ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud,isla markaana waxa ay wateen laba qori oo ah A-K47 oo ay la soo goosteen.
“Degmada Doolow ee Gobolla Gedo waxaa iska soo dhiibay labadan nin oo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab gaar ahaan qeybtooda Jabhadaha loo yaqaan, waxaa lagu kala magaacaa Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ragaan iyo laba qori oo A-K47 ah oo ay wateen oo ay la soo goosteen waxaa gacanta ku haya ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ee Gobolka Gedo gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmadda Doolow ragan waxaa lagu sameyn doona dhaqan cellin” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Nabadsugidda Jubbaland.
Dhawaan ayay aheyd markii Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab iyo xubin kale oo ka socday ay isku dhiibeen Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,kaasi oo markii dambe la keenay Magaalada Muqdisho.