DEG DEG:-Wafdigii Jubaland oo shirka Brussels ka baxay

Wararka Radio Dalsan ka soo gaaraya Magalada Bresels ee Wadanka Belgium-ka ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigii ka socday dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugnaa halkaasi ay shirkii isaga baxeyn.

Xubnaha Wafdiga Jubbaland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa waxaa la sheegay in daqiiqadihii u dambeeyey ee furitaanka shirkaas ay ka baxeyn,iyaga oo ka cabanaya in isbedel lagu sameeyey ajandayaasha shirka.

Marka laga reebo wafdiga Jubbaland ee shirka Bresels isaga baxay,waxaa dhinaca kale shirka ka qeyb galaya Madaxda kale ee dowlad goboleedyada,weli ka bixitaanka Xubnaha Jubbaland ee shirkaas kama hadlin dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararkii u dambeeyey ee haatan Bresels naga soo gaaraya ayaa waxa ay ku waramayaan in uu socdo qorsho lagu xalinayo madaxda Jubbaland si ay shirkaasi uga qeyb galaan,waxana arrintaana ay kusoo aadeysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo Jubbaland taas oo ka dhalatay Magacaabistii taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor