War Goordhow soo garay Warqabadka Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya Suuqa Bakaaraha ku toogteen Nin ka mid ahaa burcad dhac ka geysaneysay Suuqaas.
Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay in koox Burcad ah ay dhac ka geysaneysay,waxana ku soo baxay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,iyaga oo toogtay mid ka mid ah burcadii.
Ninka burcada ahaa ayaa Ciidamada waxa ay ka dhaawaceen mid ka mid ah lugihiisa,waxaana la sheegay im ciidamada booliska gacanta ku dhigeen nin kale oo la socday.
Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in ragga Burcada ah ay wateen Mooto Bajaaj,isla markaana Gudaha Suuqa Bakaraha ay ka soo dhaceen dad Shacab ah mobeelo balse ay soo eryadeen Ciidamada booliska.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com