Deg Deg: Tiro Madaafiic Ah oo Ku Dhacday Agagaarka Madaxtooyada iyo KM4

Waxa Maanta ku dhacay Tiro Madaafiic ah Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya iyo isgoyska KM4 ee Magaaladda Muqdisho.

Madaafiic gaareysa Toddobo Madfac ayaa ku soo dhacday Magaaladda Muqdisho.

Seddax ruux ayaa ku dhaawacmatay madaaficdaasi.

dhismooyinka safaarada Jabuuti ee Muqdisho iyo Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa waxyeelo ay ka soo gaartay madaafiicda.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan dowladda soomaaliya ayaa loo daabulay goobta iyadoona halkaasi ay ka sameeyeen howlgal.

Ilaa iyo iminka wax war ah kama aysan soo bixi howlgalka ciidamada ay halkaasi ka sameeyeen  mana jirto cid sheegatay masuuliyada madaaficdaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor